RASMI: Barcelona Oo Shaacisay Lambarka Uu Miralem Pjanic U Xidhan Doono Kooxda

0
46

 

Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah u soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Miralem Pjanic kaas oo maanta si Rasmi ah qalinka ugu duugay heshiiska uu ugu soo biiray kooxda.

Miralem Pjanic ayaa Barcelona kaga soo biiray kooxda Juventus iyada oo kooxdu ku badalatay xiddiga Arthur Melo oo dhankiisa u dhaqaaqay kooxda Juventus.

Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in uu xiddiga cusub Miralem Pjanic kooxda u xidhan doono Lambarka No.8 kaas oo uu baneeyay xiddiga Arthur Melo.

Miralem Pjanic Ayaa xitaa garoonka Camp Nou ku dhex galay sawir uu gacmaha ku haysto maaliyada kooxda Barcelona oo uu dhabarka kaga qoranyahay magaciisa iyo Lambarkiisa.

Pjanic ayaa dhanka kale qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah oo uu kooxda Barcelona kula sii joogi doono ilaa xagaaga 2024.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here