RASMI : Atletico Madrid Oo Si La Yaab Leh Ula Wareegtay Suarez

0
49

Atletico Madrid ayaa heshiis kala gaartay Barcelona saxiixa weeraryahan Luis Suarez, sida ay sheegtay goor dhaweyd idaacada Cadena Ser.

Waxaa la sheegayaa in Atletico Madrid ay heshiis aan hore loo arag noociisa oo kale inay la gaartay Barcelona ka dib markii kooxda Blaugrana ay maanta ka horjoogsatay weeraryahan Suarez inuu si xor ah ugu biiro Atletico Madrid madaama ay tahay koox ay ku xafiiltamaan horyaalka La Liga.

Atletico Madrid ayaa haatan ku qancisay Barcelona inay si xor ah oo bilaash ah kula wareegaan weeraryahanka waayo araga ah Luis Suarez balse balanqaaday inay siin doonaan Barcelona 2 milyan euro mar kasta oo ay kooxda u soo baxdo Champions League oo uu Luis Suarez kooxda ku jiro.

Mar sii horeysay maanta oo Talaado ah, Suarez ayaa la sheegay inuu aad uga carooday in Barcelona ay ka horjoogsatay ku biiritaankiisa Atletico Madrid, laakiin haatan waxaa la soo sheegayaa in heshiis la gaaray ka dib markii qareenada weeraryahanka ay ku hanjabeen inay maxkamad la kori doonaan kooxda.

Heshiiska uu Suarez ugu wareegayo Atletico ayaa waxaa la socda midka uu ku baxayo weeraryahan Alvaro Morata kaasoo heshiis amaah hal sanno ah ugu wareegaya kooxda Talyaaniga ee Juventus.

Tababare Diego Simeone iyo madaxa kooxda Atletico Miguel Angel Gil Marin ayaa la sheegay inuu xiriir joogta ah la sameynayeen xiddiga reer Uruguay, waxayna haatan soo gabagabeeyeen mid ka mid ah heshiisyadii ugu cajiibsanaa xagaagan.

Inkastoo uu 21 gool dhaliyay xilli ciyaareed ay dhaawacyo diloodeen, Suarez ayaa heerkiisa uu hoos u dhacay xilli ciyaareedkii ugu danbeysay, waxaana lagu wargeliyay inuusan qeyb ka aheyn qorshaha tababaraha cusub ee Barcelona Ronald Koeman.

Suarez ayaa dhaliyay 197 gool 283 kulan uu u saftay Barcelona tan iyo markii uu uga soo biiray kooxda Liverpool xagaagii 2014.

Saaxiibkiisa Barcelona Lionel Messi ayaa la sheegayay inuu isku dayayay inuu ka dhaadhiciyo Suarez inuu sii joogo Camp Nou, laakiin xiddigaan ayaa ka carooday sida xun ee ay maamulka kooxda u la dhaqmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here