RASMI: Arsenal… Mise? Wakiilka Philippe Coutinho Oo Xaqiijiyay Meesha Uu Xiddigu Ka Ciyaari Doono Xiddigu Ka Ciyaari Doono Xilli Ciyaareedka Cusub.

0
7

Wakiilka Philippe Coutinho ayaa meel saaray mustaqbalka xiddiga reer Brazil kadib markii uu ka soo laabtay amaahdii uu ugu maqnaa kooxda Bayern Munich xilli ciyaareedkii hore.

Philippe Coutinho Ayaa kooxda Bayern Munich ku soo qaatay hal xilli ciyaareed isaga oo kula soo guulaystay 3 koob oo uu ka mid yahay champions League.

Waxa jiray shaki weyn oo ku jiray mustaqbalka xiddiga reer Brazil iyada oo lala xidhiidhinayay kooxo badan oo ay ka mid tahay Arsenal xagaagan.

Laakiin Wakiilka xiddiga ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay in uu sii joogi doono kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan.

Isaga oo la hadlaya talkSPORT ayaa yidhi”Philippe  Waxa uu sii joogi doonaa Barcelona xilli ciyaareedka cusub”.

“Koeman ayaa la xidhiidhay markii uu Champions league kula guulaystay Bayern Munich waxana uu u sheegay qorshihiisa kooxda Barcelona iyo halka uu kaga jiro”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here