RASMI: Ansu Fati Oo Lambar Cusub U Qaadan Doona Barcelona

0
54

 

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in uu xiddiga da’yarka ah ee Ansu Fati kooxda u xidhan doono Lambar cusub kana guuri doono Lambarkiisii hore.

Fati ayaa kooxda Barcelona u xidhay No.31 xilli ciyaareedkii hore oo ahaa mid uu wacdaro soo bandhigay kulamo badana u ciyaaray kooxda 1-aad.

Kooxda Barcelona ayaa bogeeda Twitter-ka ku xaqiijisay in uu Ansu Fati kooxda Barcelona u qaadan doono Lambarka Cusub ee No.22 kana guuray No.31.

Xaqiijinta Barcelona ee ah in uu xiddiga Fati kooxda u xidhan doono Lambarka No.22 ayaa imanaysa maalmo kadib markii uu xiddiga Arturo Vidal ka tagay kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here