RAASMI: Real Madrid Oo Dhaawac Ku Wayday Xiddig Muhiim Ah Ka Hor Kulanka Real Betis.

0
68

 

Kooxda Real Madrid ayaa la kulantay dhirbaaxo culus ka hor kulanka Ay caawa la ciyaari doonto kooxda Real Betis kana tirsan horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa haatan xaqiijisay in daafaca Bidix ee Marcelo laga saaray Liiska xiddigaha caawa la ciyaari doona Real Betis kadib markii uu xanuun dhabarka ah dareemay.

Xiddiga reer Brazil ayaa markii hore ku jiray Liiska 22 xididg ee uu Zidane u xushay kulanka Real Betis laakiin xiddiga ayaa xanuun dhabarka ah dareemay.

Sidaas darteed xiddiga 32 jirka ah ayaa laga saaray liiska xiddigaha ka hor tagi doona kooxda Betis kulanka 3-aad ee Los Blancos ciyaari doonto.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah Real Madrid iyo Zidane kuwaas oo haatanba la dhibaatoonaya dhaawacyo ay kaga maqanyihiin xiddigo muhiim u ah kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here