Qorshaha Arsenal Ee Suuqa Kala Iibsiga Oo Maanta Si Rasmi Ah U Xidhmi Doona.

0
59

Kooxda Arsenal ayaa qiratay in ayna wax saxiixyo cusub ah samayn doonin suuqa xagaagan laakiin Gunners ayaa saacadaha soo socda iska diri doonta xiddigo.

Xiddiga Matteo Guendouzi ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda saacadaha soo socda iyada oo Kooxda Hertha Berlin wadahadalo kula jirto kooxda Arsenal.

Lucas Torreira aya dhankiisa la filayaa in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo heshiiska uu ugu biirayo Atletico Madrid xiddiga Sead Kolasinac ayaa dhankiisa qarka u saaran in uu ku biiro kooxda Bayer Leverkusen.

Si kasta ha ahaatee Arsenal ayaa seegtay saxiixyada xiddigaha khadka dhexe ee Houssem Aouar & Thomas Partey kuwaas oo xagaagan oo dhan lala xidhiidhinayay Arsenal.

Dhanka kale Arsenal ayaa doonaysay saxiixa xiddiga Chelsea ee Jorginho laakiin kadib markii uu 2 gool dhaliyay kulankii Sabtidii uma muuqato in ay Chelsea ka iibin doonto xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here