Qaabkii Uu Jurgen Klopp Ugu Qanciyay in uu Thiago Ku Soo Biiro Liverpool Isagana Diido Barcelona Oo La Ogaaday.

0
38
Thiago Alcantara ayaa iska diiday fursad uu dib ugu Laaban Karo kooxda Barcelona xagaagan iyada oo uu Jurgen Klopp uu door muhiim ah ka ciyaaray qancinta xiddigu ugu biiray kooxda Liverpool sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa 25 milyan oo euro ugu soo biiray Liverpool todobaadkii hore isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah soo badhigay 45 daqiiqo oo uu u ciyaaray liverpool kulankii ay Reds guusha 2/0 ah ka gaadhay Chelsea.

Sida laga soo xigtay Cadena SER, Barcelona ayaa isku dayday inay dib ula soo saxiixato Thiago iyada oo agaasimaha kooxda reer Spain, Javier Bordas si shaqsi ah ula kulmay xiddiga khadka dhexe si uu isugu dayo in uu ku qanciyo ku laabashada Barcelona.

Warka ayaa sheegaya in uu Thiago dhagaystay dalabka Barcelona laakiin uu wakhtigaas mar hore go’aansaday in uu ku biiro Liverpool.

Barcelona ayaa sidoo kale ku dhibaatootay in ay la kulanto qiimihii ay dalbanaysay Bayern Munich iyaga oo doonayay kaliya in ay bixiyaan 10 milayn oo euro.

Cadena SER ayaa sheegaysa in uu Klopp Wadahadalo badan la yeeshay Thiago isaga oo u balan qaaday in uu guulo ka gaadhi doonaan tartamada yurub si uu ugu qanciyo xiddiga in uu ku soo biiro Anfield.

Klopp ayaa lagu soo waramayaa in uu Thiago u sheegay in hadii uu doonayo in uu ku guulaysto Bundesliga mar kale in uu sii joogo Bayern Munich laakiin hadii uu doonayo in uu mar kale ku guulaysto champions League uu yimaado Liverpool.

Sidoo kale Klopp ayaa u sheegay Thiago in uu door muhiim ah ka ciyaari doono Liverpool hadii uu ku soo biiro Anfield.

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here