Qaabka Loo Go’aamin Doono Kooxda Ku Guulaysan doonta Premier League Hadii Xanuunka Korona Dartiis Loo Kansalo Xilli Ciyaareedka.

0
80

Maamulka Premier League ayaa sii dajiyay wado lagu go’aamin doono kooxda ku guulaysan doonta premier League hadii la kansalo xilli ciyaareedka saba la xidhiidha xanuunka Korona.

Dalka UK ayaa si weyn looga cabsi qabaa in uu mar kale ka dilaaco ama ku soo laabto xanuunka Korona kadib markii ay kor u keceen xaaladihii xanuunka Korona maalmihii ugu dambeeyay.

Waxa jirta xaalado haatanba laga helay kooxaha premier League laakiin tartanka ayaa wali si caadi ah isaga socda iyada oo la ciyaarayo tartanka Premier League.

Laakiin hadii hal koox laga helo xaalado badan waxa suurtagal noqon doonta in muddo la joojiya si kasta ha ahaatee hadii uu xaalku sii xumaado laguna qasbanaado in mar kale bandoo la galiyo Dalka oo dhan maamulka Premier League ayaa sii dajiyay qorshe gaar ah.

Maamulka Premier League ayaa si Rasmi ah u go’aamiyay hadii la ciyaari kari waayo dhamaan kulamada xilli ciyaareedka in horyaalka Premier League la siiyo kooxda heshay dhibcaha ugu badan kulamada la ciyaaray wakhtiga la joojinayo tartanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here