Pogba oo hadal lama FILAAN ah ka yiri wararka la xiriira inuu u ciyaarayo kooxda Real Madrid

0
51

Ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa si lama filaan ah uga hadlay arrinta ku saabsan u dhaqaaqistiisa safka naadiga Real Madrid.

Los Blancos ayaa waqti dheer raadineysay laacibka reer France ee Paul Pogba si ay ula saxiixato, isla markaana ay u rumeyso riyadiisa ah inuu la shaqeeyo macalinka ay isku wadanka ka soo wada jeedaan ee Zinedine Zidane.

Paul Pogba ayaa wareysi uu bixiyay radio “Monte Carlo” wuxuu ku sheegay:

“Zidane wuxuu iga doonayay Real Madrid? Dhamaanteen waan maqalnay arrintaas, jawaabtaydu? Waa Haa, ciyaaryahan kasta wuxuu jecelyahay inuu u ciyaaro Real Madrid, aniga ahaan waa riyadeyda, oo maxaan ugu dhaqaaqi waayi maalin uun?”.

“Sidaan sheegay, waxaan joogaa Manchester United waana jeclahay kooxda, waana ku raaxeysanayaa naftayda waxaana doonayaa inaan sameeyo wax walba oo macquul ah si aan ugu soo celiyo kooxda meeshii ay u qalantay”.

Intaas kaddib Pogba oo ka hadlayay cusbooneysiinta qandaraaskiisa kooxda Man United ayaa wuxuu yiri:

“Waxba iima aysan sheegin, mana aanan la hadlin Ed Woodward, mana ka hadlin cusbooneysiinta, waxaana ku saleynayaa xaalada aan haatan ku jirno, waxaan ahay ciyaaryahan kooxda Manchester United ah, waxaan doonayaa inaan ku soo muuqdo heerkeygii ugu fiicnaa”.

“Waxaan u maleynayaa inay jiri doonto waqti ay kooxdu ka hadli doonto heshiiska oo laga yaabo inay wax ii soo bandhigaan, laga yaabee inaysan ii soo bandhigin, haatana waxba ma dhicin, mana sheegi karo waxa aanan ogeeyn”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here