Pierre-Emerick Aubameyang Oo Qirtay In Uu Ka Fiirsaday In Uu Isaga Tago Arsenal & LABA Arin Oo Ku Qanciyay In Uu Iska Sii Joogo Kooxda.

0
60

 

Kabtanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa qirtay in uu ku fikiray in uu ka tago kooxda xagaagan ka hor inta uuna ugu dambayn aqbalin heshiis cusub.

Xiddiga 31 jirka ah ayaa soo afjaray shakigii ku jiray mustaqbalkiisa Arsenal kadib markii uu qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah.

Kooxaha Barcelona iyo Inter Milan ayaa ka mid ahaa kooxaha xiisaha u qabaan saxiixiisa, laakiin Aubameyang ayaa shaaca ka qaaday inuu diiday dalabyadaas si uu ugu sii ciyaaro kooxda Mikel Arteta.

“Laba arrimood ayaa igu qanciyay inaan sii joogo, Arinta ugu horaysa waxa uu ahaa Mikel Arteta sababta oo ah tan ilaa markii uu yimid kooxda waxa uu keenay jawi fiican iyo waliba falsafad cusub, waxan u malaynayaa in ay arintaas muhiim ahayd sababta oo ah waxa aan dareemay in aan horumar samayn karno”ayuu xiddiga reer Gabon u sheegay Sky Sports News.

“Waxaan u maleynayaa in tani ay aheyd qodobka muhiimka ah waxana ay ahayd jacaylkii aan ka helay taageerayaasha kooxda, qof walba waxa uu iila dhaqmayay si aad u fiican markaas waxa aan dareemay in aan joogo gurigayga waana sababta aan u sii joogay kooxda Arsenal”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here