Philippe Coutinho Dalbaday In Uu Xidho Lambar Uu Baneeyey Xidig Dhawaan Ku Biiray Juventus

0
19

 

Xiddiga kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa lagu soo waramayaa in uu maamulka kooxdiisa waydiistay Lambar Cusub kadib markii uu Antoine Griezmann qaatay Lambarkiisa No.7.

Antoine Griezmann ayaa si lama filaan ah u qaatay Lambarka No.7 kaas oo uu Philippe Coutinho u qaadanay ka hor intii uuna ka tagin kooxda Barcelona xagaagii hore.

Wargsyaka Mundo Deportivo ayaa sheegaya in uu Philippe Coutinho doortay lambarka uu u xidhan doono kooxda Barcelona xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga Philippe Coutinho ayaa la filayaa in uu sii joogo kooxda Barcelona maadama uu tababare Ronald Koeman qorshihiisa ku darsaday xiddiga reer Brazil.

Kadib markii uu Antoine Griezmann qaatay Lambarka No.7 xiddiga Philippe Coutinho ayaa dalbaday Lambarka No.8 kaas oo uu baneeyay xiddiga Arthru Melo kaas oo ku biiray kooxda Juventus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here