Pep Guardiola Oo Ka Warbixiyay Xaalada Kevin De Bruyne Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay Kulankii Bournemouth

0
53

 

Tababaraha Kooxda Man City ee Kevin De Bruyne ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee xiddiga Kevin De Bruyne kaas oo ku dhaawacmay kulankii ay Man City guusha ka gaadhay kooxda Bournemouth.

Sky Blues ayaa 2/1 kaga badisay kooxda Bournemouth kulan ka tirsanaa wareega 32-ka ee tartanka Carabao Cup-ka.

De Bruyne ayaa badal ku soo galay ciyaarta daqiiqadii 61-aad laakiin waxa uu dhaawacmay daqiiqadihii ugu dambeeyay kadib markii ay isku dheceen xiddig kooxda kale ah.

Guardiola oo la hadlay manchestereveningnews ayaa yidhi”Waxa uu dareemay wareer kadib markii uu dhulka ku dhacay”.

“Laakiin guud ahaan waxa uu dareemayaa xaalad fiican”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here