Paul Pogba Oo Weerar Lagu Qaaday Loona Sheegay In Uu Afkiisa Xidho & Real Madrid Oo Sabab U Ah.

0
50

 

Paul Pogba ayaa loo sheegay in uu Afka Xidho oo uu wax ka qabto garoonka dhexdiisa ka dib markii uu ku celiyay riyadiisa ah inuu u ciyaaro Real Madrid.

Xiddigii hore ee xulka qaranka Norway ee Jan Åge Fjørtoft ayaa ka xanaaqay kadib markii uu xiddigu mar kale dabka ku shiday wararka la xidhiidhinaya Real Madrid sidoo kale sheegay in ay riyadiisa tahay in uu ku biiro Los Blancos.

Isaga oo la hadlaya saxaafada kadib markii uu xulka France 7/1 uga badiyay xulka Ukraine Pogba ayaa wax laga weydiiyay mustaqbalkiisa United iyo Real Madrid.

“Waxyaabo badan ayaa la sheegay,” ayuu yiri Pogba.

“Dabcan Xididg walba wuu jecelyahay in uu u ciyaaro Real Madrid wuuna ku riyoodaa anigana waa riyada maxaa diiday?”.

“Laakiin waxa aan joogaa Man United oo aan jecelahay, waxa aan u ciyaaraa Man United waxana aan doonayaa in aan wax walba u qabto kooxda”.

Hadalkaas ayaa ka xanaajiyay Fjortoft kaas oo weerar ku qaaday xiddiga 27 jirka ah.

“Waxa la gaadhay wakhtigii aad afka xidhan lahayd waliba aad wax ka qaban lahayd garoonka”ayuu u sheegay ESPN.

“Ma garanayo sababta ay xiddiguhu doqomo u yihiin”ayuu sii raaciyay.

“Hadii uu qof ku waydiiyo su’aal ma ahan in aad wax walba isaga jawaabto”.

“Hadii aad ka jawaabto waa in aad kaliya sheegto in aad ku faraxsantahay Man United waana waxa aan kaliya ka fikirayo waana dhamaadka sheekada”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here