Ousmane Dembele Oo Muxuu Ka Yiri Xiisaha Ugu Imaanayo Man United & Liverpool.

0
113

 

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa diiday fursad uu ugu biiri lahaa kooxda Man United ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga sida ay sheegayaan wararku.

Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay Barcelona la furtay wadahadalo ay ku doonaysay saxiixa Dembele si uu badal ugu noqdo xiddiga Jadon Sancho.

Sancho ayaa si weyn loola xidhiidhinayay Man United laakiin Borussia Dortmund ayaa diiday in ay hoos u dhigto qiimaha 120-ka milyan ah ee ay ku doonayso.

Isaga oo la hadlaya Barnaamijka ‘We We Pod Podcast’ saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in uu Dembele si cad United ugu sheegay in uuna doonayn in uu ka tago Barcelona.

Xiddiga Dembele ayaa doonaya in uu sii joogo kooxda Barcelona ula dagaalamo booskiisa xilli ciyaareedka cusub sidaas darteed waxa uu u sheegay Man United iyo Liverpool oo xiiso u qabay in uu doonayo in uu sii joogo Barca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here