Ole Gunnar Solskjaer Oo Magacaabay Xiddiga Man United U Laadi Doona Rikoodhayaasha, Fernandes Mise Rashford?

0
118

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyay in Bruno Fernandes uu sii wadi doono laadashada rikoodhayaasha kooxda inkasta oo uu ku dhawaaday in laga qabto kulankii 2-aad oo xidhiidh ah.

Xiddiga reer Portugal ayuu Goolhayaha PSG ee Keylor Navas ka qabtay rikoodhada kulankii ay United 2/1 uga badisay PSG laakiin rikoodhada ayaa dib loogu celiyay isaga oo dhaliyay markii 2-aad.

Laakiin Solskjaer ayaa xaqiijiyay in uu Bruno noqon doona xiddiga sida joogtada ah rikoodhada ugu laagan doona kooxda xilli ciyaareedkan.

Soslkaer oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Kaliya wuu sii fiicnaan doonaa kadib markii laga qabtay laba rikoodhe oo xidhiidh ah”.

“Dabacan isaga ayaa noqon doona xiddiga sii wadi doona laadashada rikoodhada”ayuu Solskjaer sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here