Ole Gunnar Solskjaer Oo Kashifay Wakhtiga Ay Man United Soo Bandhigi Doonto Qaab Ciyaareedkeeda Ugu Fiican Xilli Ciyaareedkan.

0
52

 

Tababaraha Kooxda Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa qirtay in ay kooxdiisu u baahantahay 4 ilaa 5 kulan si ay u bilaabaan qaab ciyaareedkoodii fiicnaa.

United ayaa guuldaro ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub kadib markii ay guuldaro 3/1 ah kala kulantay kooxda Crystal Palace kulan ka dhacay Old Trafford.

Kooxda Solskjaer ayaa caawa la ciyaari doonta kooxda Luton Town kulan ka tirsan Carabao Cup iyada oo tababaraha United samayn doono dhawr is badal qaar ka mid ah xiddigihiisana nasin doono.

Tababaraha United ayaa qirey inay waqti ku qaadan karto kooxdiisa in ay dib u helaan qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee ay ku dhamaysteen xilli ciyaareedkii hore.

“Waxa aan u baahanahay 4 ilaa 5 kulan si aan dib ugu helon qaab ciyaareedkii fiicnaa, waan ogahay in aan soo ceshan karno”ayuu Solskjaer yidhi.

“Maanu helin fursad aan ku ciyaari karno kulamo isku diyaarin oo fiican si aan xiddigaha ugu diyaarino in ay taam u noqdaan tartanka horyaalka”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here