Neymar ” Ciil Ayaa Iga Haya In Aan Ilkaha Ka Ridin Alvaro Gonzalez” Maxaa Neymar Lagu Sameeyay Ee Uu U Dagaalamay”

0
61

 

Kulankii xalay PSG iyo Marseille ee lagu garaacay saaxibada Neymar ayaa waxaa hareeyay dagaal keenay in 5 ciyaartooy kaarka cas ay ku qaataan kulankaas.

Dhanka PSG waxa ay qaateen sedex kaar cas waxaana ku jiray Neymar kaasi oo la arkayay isaga oo garsooraha afaraad la hadlaya ka hor inta uusan garoonka ka bixin

Neymar oo kulankii hore ee furitaanka horyaalka France ku seegay xanuunka caabuqa ayaa la xaqiijiyay in garsooraha afaraad uu ku yiri ” Alvaro Gonzalez waxa uu ugu sameeyay cunsurinimo”

Sheekada ayaa bilaabatay ka dib markii Alvaro Gonzalez uu si qaldan u carqaladeeyay Neymar xilli bilaa kubad uu ahaa waliba ay sugayeen kubad goosha PSG laga soo laaday.                                            Ka dib Neymar wuu daba cararay waliba jug ayuu dhulka kula riday ka dibna xiddig kale oo Marseille ah ayuu sii kala tuurtay halkaasna dagaal ayaa ka biloowday oo keenay Neymar xiddig kale is feeraan

RMC ayaa soo xiganeysa in Alvaro Gonzalez uu ku yiri mid ka ah ciyaartooyda PSG” afkaaga xir daanyeer xun ayaa tahay” waxa ayna saxaafadda France isla meel dhigeen in xiddiga la cunsuriyeeyay uu yahay Neymar  halka warar kale ay sheegayaan in sheekada ay ka bilaabatay in Alvaro Gonzalez  uu candhuuf ku tufay Di Maria

Neymar ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray” wax auu ciil iga hayaa in aan wajiga ka dhaawicin Alvaro Gonzalez , VAR kaliya waxa ay aragtaa wax aan sameeyay , miyaysan qabaneyn waxa uu igu sameeynayay , looma dul qaadan karo cayda noocaas ah”

Ciyaartooyda kale ee PSG ee kaar acasaanka qaatay waxaa ay kala yihiin Layvin Kurzawa iyo Leandro Daniel Paredes waxa ayna dhacdadaas dhacday daqiiqaddii 90-aad ee dhamaadka ciyaarta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here