Nelson Semedo Oo Ku Dhaw In Uu Ku Biiro Premier League.

0
49

 

Daafaca Kooxda Barcelona ee Nelson Semedo ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda Wolves ee ka ciyaarta premier League sida ay sheegayaan wararku.

Barcelona ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga daafaca ka ciyaara si ay lacagtiisa ugu xoojiso boosaska uu tababaruhu doonayo in uu ka xoojiyo kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in uu Semedo Barcelona ugu biiri doono lacag dhan 29 ilaa 35 milyan oo euro iyada oo la filayo in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo heshiiska.

Xiddiga reer Portugal Ayaan ku jirin qorshaha tababare Ronaldo Koeman waxana uu kooxda u sheegay in ay iska iibiyaan xiddiga.

Tababare Koeman ayaa sii wada nadiifinta kooxda kadib xilli ciyaareed Niyad jab leh oo ay soo qaateen xilli ciyaareedkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here