Nathan Ake Oo Qirtay Kooxo Premier League Ah Oo Uu Iska Diiday Ka Hor Intii Uuna Ku Biirin Man City & Sababta.

0
60

Nathan Ake ayaa qirtay in uu iska diiday dalabyo uga yimid kooxo premier League ah ka hor intii uuna ku biirin kooxda Man City.

Daafaca reer Holland ayaa ka soo tagay kooxda Bournemouth isaga oo ku soo biiray City kadib markii ay kooxdiisi hore ka hadhay horyaalka.

Nathan Ake ayaa u sheegay wargayska Manchester Evening News” Waxa jiray xiiso aan ka helay kooxo kale oo Premier League, ma sheegi karo kooxaha ay yihiin laakiin waxa aan go’aansaday in aan ku biiro Man City”.

“Waxa aan la hadlay tababaraha waxan aan wada yeelanay hadal fiican, marka ay kooxaha Man City oo kale ah kuu yimaadaan kaliya in aad ogtahay in aad wax ka badan doonto lana ciyaari doonto xiddigo kuwa City oo kale ah iyo waliba in aad ka hoos ciyaarto tababare Guardiola waa wax fiican waxana aan doonayaa in aan horumariyo naftayda”.

“Waxa aan jooga da’dii ugu fiicnayd ee aan wax baran karo sidoo kale horumar samayn karo waxana aan joogaa booskii saxda ahaa”.

“Guardiola waxa uu horumariyay xiddigo badan sanadihii la soo dhaafay waana sababta aan halka u doortay isagana diiday kooxaha kale, waxana aan rajaynayaa in aan ciyaartayga u qaado heer kare”.

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here