MURUGO: Dunida Oo U Murugoonaysa Xiddiggii CARABTA Ee Mohamed Atwi Oo U Geeriyooday Xabbad Madaxa Kaga Dhacda

0
77

Dunida kubadda cagta ayaa ku jirta murugo iyo baroordiiq ay u samaynayaan Mohamed Atwi oo u geeriyooday xabbad madaxa kaga dhacday Jimcihii shalay, taas oo maalmo kooban oo uu cusbitaalka ku jiray kaddib ay naftu ka baxday.

Atwi oo u dhashay waddanka Lubnaan ayay da’diisu ahayd 32 jir ayay xabbad habow ahi ku dhacday isaga oo socda waddo magaalada Beirut ee caasimadda dalkaas ah markii ay taariikhdu ahayd August 21, waxaana loola cararay cusbitaalka oo ku sameeyey qalliin degdeg ah.

Xabadda ku dhacday Mohamed Atwi ayaa la sheegay in loo ridayay dadkii ku baaba’ay musiibadii qaraxa ahayd ee ka dhacday dekedda Beirut oo ay dad badan ku naf waayeen, taas oo sida waddankaas laga yaqaano dadkii geeriyooday loo riday xabbad ay mid ka mid ahi haleeshay Mohamed Atwi.

Waddanka Lubnaan oo dadka geeriyooda lagu sii sagootiyo xabbado cirka loo rido ayaa waxa marar badan ka dhasha dhimashooyin iyo dhaawacyo ay xabbaddaasi keento, waxaana Mohamed Atwi uu ka mid noqday dadka nafahooda ay galaafatay xabbad loogu baroor-diiqayo dad geeriyooday.

Dhakhaatiirta Lubnaan ayaa sheegay in xabaddu ay maskaxda u daadegtay oo ay ka gudubtay lafta dahaadhka ah, kaddibna uu dhiig ku furtay maskaxda, laakiin qalliinkii ay sameeyeen ay ku guuleysteen ka hor intii aanu xaqu haleelin.

Xabadda ku dhacday Mohamed Atwi ayaa la rumaysan in loo diray Joe Bou Saab oo ka tirsanaa ciidamada dab-demiska oo ku geeriyooday qaraxii dekedda Beirut.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here