Mundo Deportivo Oo Kashiftay Kulankii Dhexmaray Leo Messi & Ronald Koeman Markii Uu Xiddigu Ku Soo Laabtay Tababarka.

0
36

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday kulankii dhexmaray xiddiga kooxda Barcelona ee Lioenl Messi iyo tababarihiisa Ronald Koeman markii uu Messi ku soo laabtay tababarka kooxda.

Messi ayaa shalay markii ugu horaysay ku soo laabtay tababarka isaga oo isku diyaarinaya xilli ciyaareedka cusub ee kooxdiisa ee horyaalka.

Xiddiga ayaa markii ugu horaysay yimid tababarka kadib markii uu badalay go’aankiisii ahaa in uu isaga tago kooxda suuqa xagaagan.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegay in uu kulan dhexmaray xiddiga iyo tababarka kadib markii uu dhamaaday tababarka kooxdu.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu tababare Koeman xiddiga Messi u sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu sii joogo kooxda laakiin sidoo kale u sheegay in uu doonayo in ay xiddiguhu dhamaan mustaqbalkooda u hibeeyeen kooxda xilli ciyaareedka cusub kana doonayo in uu sidaas sameeyo isaguna.

Dhanka kale Leo ayaa tababaraha u sheegay in uu wax walba oo awoodiisa ah u qaban doono sidii uu u caawin lahaa kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here