Mudada Uu Eden Hazard Ka Maqnaan Doono Garoomada Oo La Ogaaday

0
52

 

Saxafiyada Arancha Rodríguez ayaa shaaca ka qaaday mudada uu xiddiga Eden Hazard ka maqnaan doono garoomada kadib markii uu dhaawac soo gaadhay.

Real Madrid ayaa Arbacadii xaqiijisay in uu Eden Hazard dhaawac muruqa Lugta Midig ah ka cabanayo waliba soo laabashadiisu ku xidhantahay sida uu uga soo kabsado dhaawaca,

Real Madrid ayaan xaqiijin mudada uu Hazard ka maqnaan doono inkasta oo ay xaqiijisay in uu seegi doono kulanka Levante ee horyaalka La Liga ee xada.

Saxafiyada Arancha Rodríguez ayaa Idaacada Cadena COPE u sheegtay in uu Eden Hazard garoomada ka maqnaan doono muddo 3 ilaa 4 todobaad ah.

Sidaas darteed Hazard ayaa seegi doona kulamada Levante Iyo Cadiz waxana uu shaki ku jiraa in uu seegi doono kulanka El Clasico ee bartamaha bishan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here