Miyey Kooxdaadu U Baahan Tahay Difaac Iyo Saxeexyo Kale, Miyey se Ciyaartoydu Kaa Niyad-jabeen? – Ole Gunnar Solskjaer Oo Ka Jawaabay Su’aalo Adag?

0
79

Tababare Ole Gunnar Solskjaer  ayaa ku adkaystay in Manchester United ay haysato ciyaartoy ku filan oo ay ku dagaal geli karayso xili ciyaareedkan, inkasta oo ay guul-darro ku bilowdeen horyaalka Premier League oo ay Crystal Palace ku garaacday 3-1 iyagoo jooga Old Trafford.

Manchester United ayaa gaabis kaga jirta suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, waxaanay illaa

hadda lasoo saxeexdeen Donny van de Beek oo kahdka dhexe ah, laakiin waxay ku fashilan yihiin inay iska xoojiyaan difaaca iyo weerarka.

Kulankii Crystal Palace, waxa United si weyn loogu dhaliillay kala daadsanaan dhinaca difaaca ah iyadoo Harry Maguire iyo Victor Lindelof ay xakamayn kari waayeen Wilfried Zaha oo laba gool ka dhaliyey.

Ole Gunnar Solskjaer oo ka hadlayay shirka jaraa’id ee ka hor kulanka berri ay la ciyaari doonaan Brighton ayaa waxa la weydiiyey haddii ay u baahan yihiin inay difaacyahanno lasoo saxeexdaan, waxaanu ku jawaabay: “Xili ciyaareedkii hore ayaa noo caddeeyey sida fiican ee aanu isku difaaci karno. Kulankii toddobaadkii dambe muu ahayn mid wanaagsan, waxaana la naga dhaliyey goolal fudud, laakiin rikoodhka difaacayagu wuxuu muujinayaa in Eic iyo Harry ay si fiican u wada shaqayn karayaan. Koox ahaanna si fiican ayaanu isku difaacnaa.

“Eric Baily taam ayuu noqday, waana faa’iido. Waxa aan rajaynayaa inuu horumarin doono difaacayaga. Isaga ayaanu sugaynay inuu taam soo noqday oo uu si joogto ah u ciyaaro. Aad ayaan ugu kalsoonahay ciyaartoydayda. Waxa aanu ka shaqaynaynaa inaanu wanaagsanaano.”

Ciyaartoyda waaweyn ee Manchester United ayaa laga soo warinayaa  in qaarkood aanay ku niyad samayn tababare Ole Gunnar Solskjaer, waxaana mar  la weydiiyey su’aashan uu ku jawaabay: “Aniga shaqadaydu maaha inaan iyaga ka farxiyo. Shaqadaydu waa inaan ciyaartoyda soo xusho oo aan natiijo helo. Iyaga ayay u taallaa inay taam noqdaan oo ay si adag u shaqeeyaan marka aan u yeedho.”

Suuqa iibka ciyaartoyda waxa uu xidhmayaa October 5 oo ay ka hadhsan yihiin 10 maalmood oo kaliya, waxaana United ay wali raadinaysaa Jadon Sancho, waxuuse Solskjaer rumaysan yahay inuu haysto koox ku filan oo uu ku shaqayn karayo, waxaanu yidhi: “Sida aan marar badan sheegay, aad ayaan ugu kalsoonahay ciyaartoydayda. Haddii iyo marka ay wax dhacaan, ciyaartooyo yimaadda iyo kuwo baxa ba, waan idin wargelin doonaa. Kubadda cagta wax badan ma saadaalin kartid.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here