Mikel Arteta Oo Xaqiijiyay In Uu Pierre-Emerick Aubameyang Iska Diiday Barcelona & Sababta Oo Uu Kashifay.

0
44

 

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in uu kabtankiisa Pierre-Emerick Aubameyang iska diiday kooxda Barcelona kana doortay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Arsenal.

Mustaqbalka Pierre-Emerick Aubameyang ee Arsenal ayuu shaki weyn ku jiray bilihii ugu dambeeyay iyada oo lala xidhiidhinayay kooxo badan oo ay ka mid tahay Barcelona.

Laakiin 31 jirka ayaa todobaadkii hore qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Garoonka Emirate Staduim.

Mikel Arteta oo la hadlaya wargayska Daily Mail ayaa yidhi”Waxan u malaynayaa sababtii ugu weynayd ee uu Pierre-Emerick Aubameyang isaga diiday Bacelona una doortay in uu joogo Arsenal ayaa ah in aan haysano koox fiican oo ay joogaan xiddigo cajiib ah”.

“Anigu shaqadayga ayaan qabtay waxana aan Pierre-Emerick Aubameyang u sharaxay waxa aan doonayno in aan dhisno iyo muhiimada uu u leeyahay kooxda iyo waliba waxa uu u qalmo in uu helo”.

Waxa xusid mudan in uu Pierre-Emerick Aubameyang qalinka ku duugay heshiis uu kooxda Arsenal ku sii joogi doono 3-da sano ee soo socota.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here