Mikel Arteta Oo Qirtay Jacaylka Uu U Qabo Saxiixa Cusub Ee Liverpool Ee Thiago Alcantara.

0
59

 

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa shaaca ka qaaday jaceylka dheer ee uu u qabo saxiixa cusub ee Liverpool Thiago Alcantara.

Kooxda Difaacanaysa horyaalka premier League xoojisay kooxda iyaga oo la soo saxiixday xiddigaha Diogo Jota iyo Konstantinos Tsimikas laakiin saxiixa xiddiga Thiago Alcantara ayaa ah xiddiga sida weyn loo hadal hayo.

Thiago ayaa la filayaa in uu ku bilowdo kulanka Arsenal ee Isniinta kadib markii uu badal ku soo galay qaybtii dambe ee kulankii Chelsea.

Arsenal ayaa ka mid ahayd kooxo la socday xaalada Thiago ka hor intii uuna ku soo biirin Liverpool inkasta oo uu Arteta diiday in uu ka jawaabo in ay kooxdiisu xiiso dhab ah u qabtay saxiixa xiddiga.

“Haa, run ahaantii waan jecelaa markii aan joogay Barcelona, waa xiddig leh shaqsiyad cajiib ah, waa xiddig leh tayo weyn waana xiddig ku fiican khadka dhexe, waxana u malaynayaa in uu saxiix fiican u yahay Liverpool”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here