Mikel Arteta Oo Ka Fal Celiyay Ku Aadka Ay Man City Ku Aadeen Carabao Cup-ka.

0
58

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka fal celiyay isku aadka wareega 8 Dhamaadka Carabao Cup-ka ee ay ku aadeen kooxda Man City.

Arsenal ayaa iska xaadirisay 8 dhamaadka Carabao cup-ka kadib markii ay rikoodhayaal ku garaaceen kooxda Liverpool waxana ay haatan wajahayaan kooxda Man City.

Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan ku raaxaystay kulanka kadib markii aan galnay qolka labiska kadib waxa aan maqaly warka in aan la ciyaarayno Man City”.

“Haatan waxa aan wajahaynaa Man Cit, waa tartan adag oo kale laakiin kubada cagta ayaa sidaas iska ah”.

“Waxa aan ognahay in ay kooxo adag ku hadheen tartanka waanan u diyaar garoobi doonaa waxana aan isku dayi doonaa in aan ka badino Man City mark kale”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here