Mikel Arteta Oo Hor Istaagay Xiddig Arsenal Ah Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Biiraya Barcelona.

0
114

 

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa lagu soo waramayaa in uu joojiyay heshiis uu xididga Ainsley Maitland-Niles si lama filaan ah ugu biirayay kooxda Barcelona sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda Arsenal intii lagu jiray suuqii xagaaga xilli ay Arsneal doonaysay in ay lacag u uruuriso saxiixyada cusub.

Si kasta ha ahaatee Qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee uu soo bandhigay kulankii Community Shield-ka ay Arsenal garaacday Liverpool ayaa Arteta ku qanciyay in uu sii haysto xiddiga.

Saxaiga reer Italy ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in uu Mikel Arteta Maamulka Arsenal ka hor istaagay heshiis ay xiddiga Maitland-Niles doonayeen in ay uga iibiyaan Barcelona.

Barcelona ayaa Maitland-Niles u doonaysay badalka Nelson Semedo iyo waliba in uu ka ciyaari karo dhawr boos oo kale waxana ay doonayeen in ay ku xoojiyaan kooxda xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here