Memphis Depay Oo Ka Hadlay Fashilkiisii Ku Biirista Barcelona

0
38

 

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Lyon Memphis Depay ayaa qirtay inuu ‘aad ugu dhawaaday’ inuu ku biiro Barcelona maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddigii hore ee Manchester United ayaa bartilmaameed u ahaa Ronald Koeman kaas oo xiddiga kula shaqeeyay xulka qaranka Holland.

Barcelona ayaa heshiis shaqsi ah la gaadhay Depay sidoo kale kooxda Lyon kala heshiisay saxiixa xiddiga laakiin la wareegista xiddiga ayaa ku xidhnayd in ay Barcelona marka hore iska iibiso xiddigo kooxdeeda jooga.

Kooxda Barcelona ayaa rajeyneysay in ay iska iibiso xiddiga garabka ka ciyaara ee Ousmane Dembele kaas oo lala xidhiidhinayay kooxda Man United laakiin Red Devils ayaa kaliya heshiis Amaah ah ku doonaysay xiddiga.

Sidaas darteed Depay ayaan dhamaystirin ku biiristiisa Barcelona taas oo niyad jabisay xiddiga reer Holland.

Laakiin Depay ayaa sheegay in ku biiritaankiisa Barcelona ay dhici kartay maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga laakiin ayna dhicin.

“Waxa ay u socotay sidii loogu tala galay, waa sida ay noloshu tahay”ayuu Depay yidhi

“Waa in aan diirada saaro Lyon mar kale, waliba caawiyo kooxda kadib aragno waxa dhaca mar kale, ma jirto cid ogaan karta mustaqbalka”.

Markii la weydiiyay sida heshiiska uu ku dhowaa in a dhameystiro ayuu Depay yidhi” Haa, aad ayay u dhawayd, ma doonayo in aan faah-faahin sii galo laakiin wax walba waa la dhamaystiray laakiin nasiib xumo xeer gaar ah ayaa joojiyay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here