Maxuu Tababare Arteta Ka Yiri Saxiixooda Cusub Ee Thomas Partey

0
48

 

Tababaraha kooxda Arsenal ee Arteta ayaa ka hadlay hishiiska cusub Arsenal ee Thomas Partey kaasi oo ay ku guleysteen hishiiskiisa saacadihii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga .

Hishiis afar sano gaaraya ayuu ku soo wareegay Partey xilli todobaadkii uu qaadanayo mushaar gaaraya 260 kun oo lacagta gini

” Muddo ayaan baadi goobeynay , farxad ayay inoo tahay in aan helnay laacib tayo leh oo kooxda wax weyn ku soo kordinaya”ayuu tababare Arteta ka yiri Twitter-ka Arsenal.

” Waa qad dhexe xariif ah waliba leh qibrad fog , waa hubaal Arsenal wuu isku dhex muujinayaa” ayuu sii raaciyay macalinka Arsenal

Waxa uu macalinka intaas sii raaciyay” hab ciyaareedkiisa aad ayaan ula dhacnay , waa sahal in kooxda uu la qabsado , waxaan rajeynaya in aan helnay xiddiga kooxdaan u qalma”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here