Maxaa Ka Jira Wararka Man United La Xidhiidhinaya Ousmane Dembele?

0
48

 

Manchester United ayaa meesha ka saartay u dhaqaaqista weeraryahanka kooxda Barcelona Ousmane Dembele, sida laga soo xigtay ilo wareedyo ka tirsan kooxda.

United oo dooneysa inay keento weeraryahan kahor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaaga waxana lala xidhiidhinayaa xiddiga 100 Milyan lagu qiimeeyo ee Dembele.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya saxiixa Dembele xilli uu tababaraha dhawaan loo magacaabay Barcelona ee Ronald Koeman doonayo in uu iska iibiyo xiddiga reer France.

Laakiin iyadoo Luis Suarez uu qarka u saaran yahay inuu ka tago Nou Camp, Barca ayaan diyaar u aheyn inay fasaxdo Dembele taas oo United ku qasbaysa in ay xiddigo kale u dhaqaaqdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here