Maxaa Ka Cusub Mustaqbalka Houssem Aouar Iyo Depay , Kooxda Lyon Ayaa War Ka Soo Saartay Xaaladooda

0
67

 

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Ajax ee Juninho Pernambucano ayaa daboolka ka qaaday xaaladaha  ka cusub mustaqbalka labada xiddig ee kooxdaas ee sida weyn suuqa kala iibsiga loga doonayo ee kala ah Depay iyo Houssem Aouar

Xogo kala duwan ayaa tilmaamaya in labadaas laacib ay u badan tahay in xagaagaan ka huleelaan kooxda Lyon waxaana Depay lala xariirinayaa Barcelona halka Houssem Aouar isna   u dhaw yahay Arsenal balse waxa ay loolan kala kulmayaan Man City iyo Juventus

Arinta Depay waxa uu agaasimahaan ka yiri ” waa qalad in ka dib marki Depay kulankii Montpellier la fariisiyay  kursiga keydka loo turjumo in taasi micnaheedu tahay in uu baxayo”

” Kaliya waxa ay aheyd xaalad farsamo oo uu sameeyay tababaraha kooxda waayo kooxda kulamo ayaa isu xig xigay” ayuu yiri agaasimaha ciyaaraha koxoxda Lyon ”

Isaga oo u waramayay  France Football waxa uu sarkaalkaas intaas sii raaciyay ” ma jirto dalab  rasmi ah oo laga keenay labadaas laacib”.

” Dhanka Depay , ma jirto in aan Barcelona dalab ka helnay iska daayee xittaa nagama aysan wareysan qiimihiisa, haddii ay sii joogaan oo ay ina caawiyaan xilli ciyaareedkaan waa  arin wacan waayo  ciyaartooydii aan dalabaadka ka helnay waa ay baxeen”.

Arintaan ayaa imaaneysa xili labada laacib la xusayo in hishiska shaqsiyadeed ay la gaareen kooxaha Arsenal iyo Barcelona waliba Houssem Aouar  uu Lyon ka dalbaday in xagaagaan la fasaxo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here