Maxaa iska Badalay Georginio Wijnaldum Go’aankiisa Ku Aadan Barcelona

0
38

 

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa lagu soo waramayaa in uu Liverpool cadaadis ku saarayo in ay ka iibiso kooxda Barcelona inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga Georginio Wijnaldum ayaa ku faraxsan in uu ku biiro kooxda Barcelona kadib markii uu tababare Ronald Koeman qabtay hogaanka kooxda ku ciyaarta Camp Nou.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in uu Georginio Wijnaldum maanta oo salaasa ah ku laabtay magaalada Liverpool kadib markii uu dhamaystay waajibaadka xilka qarankiisa waxana uu diyaar u yahay in uu Liverpool u sheego in uu doonayo in uu isaga tago kooxda.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Liverpool dalbanayso lacag dhan 17 milyan oo euro si ay u fasaxdo xiddiga 29 jirka ah.

Dhanka kale tababare Jurgen Klopp ayaa saacadaha soo socda la kulmi doona Georginio Wijnaldum si uu ogaado halka uu ka taaganyahay sii joogista kooxda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here