Matteo Guendouzi Oo Arsenal Ku War Galiyay Go’aanka Uu Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa.

0
34

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Matteo Guendouzi ayaa maamulka Arsenal u sheegay in uuna meelna uga socon kooxda Arsenal diyaarna u yahay in uu u dagaalamo booskiisa kooxda.

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa gabi ahaan qorshihiisa ka saaray xiddiga 21 jirka ah tan ilaa 20 bishii June kadib markii uu la dagaalay xiddigaha Brighton.

Laakiin xiddiga ayaa todobaadkan ku soo laabtay waajibaadka xulka qarankiisa isaga oo u ciyaaray xulka France ee 21 jirada.

Kadib markii uu ka saabtay waajibaadka xulka qarankiisa ayuu xiddigu baraha bulshada ku ku muujiyay in uu diyaar u yahay u dagaalamo booskiisa Arsenal.

Matteo Guendouzi ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray” 2 kulan 6 dhibcood, waan ku faanayaa xulkayga…. Haatan waxa aan ku laabanayaa shaqada Arsenal”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here