Manchester United oo guul Dirqi Ah ka gaartay kooxda Brighton… +SAWIRRO

0
74

Manchester United ayaa guul soo laabasho leh ka soo gaartay kooxda Brighton & Hove Albion oo ay ku booqatay garoonkeeda The American Express Community, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 2-3, xilli Red Devils ay gacanta ku dhigtay saddexdeedii dhibcood ugu horeysay horyaalka Premier League, kal ciyaareedkan cusub ee 2020/21.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 1-1 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Brighton & Hove Albion iyo Manchester United.

Daqiiqadii 40-aad kooxda Brighton & Hove Albion ayaa heshay riggoore waxaana gool u badelay xiddigeeda Neal Maupay, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-0.

Laakiin daqiiqadii 43-aad kooxda Manchester United ayaa heshay goolka barbardhaca kaddib markii uu gool iska dhaliyay daafaca kooxda Brighton ee Lewis Dunk, dheesha ayaana sidaas ku noqotay barbardhac 1-1 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Alla muxuu gool ahaa, Daqiiqadii 55-aad Manchester United ayaa la wareegtay hoggaaminta ciyaarta waxaana 1-2 ka dhigay Marcus Rashford, kaddib markii uu shabaqa Brighton dhax dhigay kubadd aad u qurxoon oo ka caawiyay saaxiibkiis Bruno Fernandes.

Daqiiqadii 90-aad kooxda Brighton & Hove Albion ayaa heshay goolka barbardhaca waxaana 2-2 ka dhigay laacibkooda Solly March.

Balse Manchester United ayaa isla 90-ka daqiiqo loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay xiddigooda reer Portugal ee Bruno Fernandes, wuxuuna dheesha ka dhigay 2-3.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-3 ay ku adkaatay Manchester United oo ku booqatay kooxda Brighton & Hove Albion garoonkeeda The American Express Community, waxayna Red Devils gacanta ku dhigtay saddexdeedii dhibcood ugu horeysay horyaalka Premier League, kal ciyaareedkan cusub ee 2020/21.

i

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here