Man United Uma Baahnayn Saxiixa Donny van de Beek, Halkan Arin Ayayna Cadayn U Tahay Saxiixiisu.

0
69

 

Kooxda Man United ayaa loo sheegay in ayna u baahnayn saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Donny van de Beek.

Waxa sidaas aaminsan xiddigii hore ee kooxaha Liverpool iyo Tottenham ee Peter Crouch kaas oo su’aal ka keenay qorshaha Man United ee suuqa xagaaga.

Taageerayaasha Liverpool ayaa ka niyad jabsan dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga xagaagan kadib markii ay u soo bexeen champions League xilli ciyaareedka cusub.

Crouch ayaa sheegay in ayna Kooxda Man United haysan wax qorshe ah oo ku aadan suuqa kala iibsiga xagaagan.

“Waxa aan ka qabay rajo weyn Man United xagaagan, mar kale qaabka ay u galeen suuqa kala iibsiga ayaa iga yaabisay”.

“Waxa u muuqdaan kuwo la soo saxiixanaya xiddigaha ugu fiican sida Donny Van de Beek laakiin uma muuqdaan in ay haystaan qorshe”.

“Hadii aad haysato Paul Pogba iyo Bruno Fernandes, maxaad uga baahantahatay Van de Beek?”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here