Man United Oo Xaqiijisay Lambarka Uu Alex Tellex U Qaadan Doono Kooxda.

0
71

Kooxda Man United ayaa xaqiijisay lambarka uu xidhan doono saxiixooda cusub ee Alex Telles kadib markii uu xiddigu ku soo biiray kooxda maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga.

Xiddiga daafaca Bidix ka ciyaara ee Alex Telles ayaa heshiis 4 sano ah u saxiixay kooxda Man United kadib markii ay 18 milyan oo euro kala heshiiyeen kooxda Fc Porto.

Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in uu xiddiga 27 jirka ah kooxda u xidhan doono Lambarka No.27 kaas oo ahaa Lambark Banaan oo ayna cidna qaadan.

Alex Telles ayaa haatan xulka qarankiisa kula sugan waajibaadka xulkiisa waxan la filayaa in uu Man United u ciyaaro kulankiisii ugu horeeyay kulanka Newcastle.

Image

Laacib.net

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here