Man United Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Xiddig U Ciyaara Chelsea

0
78

Kooxda Man United ayaa si lama filaan ah chelsea wax uga waydiisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kante, sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga ku guulaystay Koobka Adduunka ayaa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo Inter Milan, oo uu maamulo tababarihii hore ee Chelsea Antonio Conte.

Laakiin sida laga soo xigtay Mirror, Kante ayaa laga yaabaa inuu u dhaqaaqo Old Trafford ka dib markii Red Devils ay la xiriirtay wakiiladiisa.

Agaasimaha Kooxda Inter Milan Piero Ausilio ayaa meesha ka saaray in ay u dhaqaaqi doonaan xiddiga Khadka dhexe sabab la xidhiidha in ayna Chelsea diyaar u ahayn dalabkooda taas oo Albaabka u furaysa kooxda uu hogaamiyo tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Conte ayaa si aad ah u doonayay in uu la midoobo xiddiga reer France ee uu kula shaqeeyay chelsea laakiin kooxda Frank Lampard ayaa doonaysa in ay sii haysato xiddiga reer France.

Blues ayaa haatanba diiday dalabyo ay Inter Milan ka soo gudbisay oo ay ku jiraan xiddigaha Christian Eriksen iyo Marcelo Brozovic waxana uu Ausilio sheegay in uu xiddiga khadka dhexe muhiim u yahay Chelsea waliba ayna doonayn in ay iibiso.

Si kasta ha ahaatee Man United ayaa doonaysa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here