Man United Oo Qarka U Saaran Saxiixeedii 2-aad Ee Xagaaga & Wakiilka Xiddiga Oo Ku Sugan Manchester Si Uu U Dhamaystiro Heshiiska.

0
34

Kooxda Man United ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta kooxda Fc Porto oo ay ka doonayso xiddiga daafaca Bidix ee Alex Telles sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Portugal.

Man United ayaa suuqa ugu jirta daafac bidix oo cusub kaas oo la tartama Luke Shaw kaas oo dhamaadkii xilli ciyaareedka ku seegay dhaawac kuraanta ah.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa haatanba loo soo bandhigay fursad ay kula saxiixan karaan xiddiga Real Madrid ee Sergio Reguilon kadib markii uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Sevilla.

Laakiin wargayska Portugal ee A Bola ayaa sheegaya in ay United dar-dar galisay xiisihii ay u qabtay saxiixa xiddiga Alex Telles waxana ay haatan ku dhawyihiin in ay dhamaystiraan heshiiska.

Wararka ayaa sheegaya in uu wakiilka xiddiga 27 jirka ah yimid Manchester si uu u dhamaystiro heshiiska uu xiddiga uu wakiilka u yahay ugu biiri doono Old Trafford.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here