Man United Oo Lagu Waramay In Hishiiska Ay La Gaartay Alex Telles

0
52

 

Man United ayaa lagu waramayaa in ay u dhaw dahay  dhameystirka  daafaca kooxda FC Porto ee Alex Telles .

Garabkaan bidix ayaa ka mid ah xiddigaha sida weyn ay ugu tiirsan tahay kooxdaas, waxaana hishiiskiisa ka harsan haatan 12 bil.

Radio Monte Carlo ayaa sheegeysay in 27 sano jirkaas uu la hishiiyay United waliba ay isla meel dhigeen hishiis gaaraya illaa iyo xagaaga 2025-ka

Inkastoo United iyo FC Porto aysan weli ku dhawaaqin hishiis ay ka gaareen arinta laacibka hadana waxa ay wararka qaar sheeegayaan in United ay uga baxeyso saxiixa laacibkaas aduun dhan 25 milyan oo euro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here