Man United Oo Ku Kalsoon In Ay Dhamaystiri Doonto Saxiixeedii 2-aad Ee Xagaagan.

0
60

 

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay weli ku qanacsan tahay inay lasoo saxiixan doonto xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara Porto ee Alex Telles.

Kooxda ka dhisan Premier League ayaa ugu cadcad inay ku guuleysato tartanka loogu jiro daafaca bidix kaas oo uu heshiiskiisu dhici doono xagaaga dambe.

Inkasta oo ay kooxda Man United doonayso in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga sida ugu dakhsaha badan hadana kooxda Porto ayaa ku adkaysanaysa in ay doonayso lacag dhan 22.5 milyan euro.

Si kastaba ha noqotee, saxafiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano ayaa sheegaya in Man United ku kalsoontahay in ay dhamaystiri doonto saxiixa xiddiga iyaga oo haatan wadahadalo kula jira kooxda reer Portugal.

Telles ayay u badan tahay inuu booska kala bixi doono Luke Shaw iyo Brandon Williams hadii uu u wareego Old Trafford ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga.

27 jirkaan ayaa ku soo bilaawday mid kasta oo ka mid ah labadii kulan ee ay Porto ciyaartay horyaalka xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 2 gool mid kalena caawiye ka noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here