Man United Oo Heshay Wado ay Kula soo Saxiixato Xidig Dhawaan Naadigiisu Heerka Labaad U dhacday

0
6

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in loo sheegay inay miiska saaraan lacag dhan 50 milyan oo euro hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee David Brooks xagaagan.

Kooxda Lagu naanayso Cherries ayaa lagu qasbay in ay iska iibiso xiddigo dhawr ah oo ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda kadib markii ay ka hadheen premier League xilli ciyaareedkii hore iyada oo xiddigaha Nathan Ake iyo Callum Wilson ka tageen kooxda.

Kooxda Man United ayaa dhankeeda lala xidhiidhinayaa xiddiga garabka ka ciyaara ee Brooks kaas oo uu Solskjaer doonayo.

Man United ayaa Brooks u doonaysa in uu noqdo badalka Jadon Sancho waxana ay Bourenmouth dalbanaysaa 50 milyan si ay u iibiso xiddiga 23 jirka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here