Man United Oo Hal Shardi Ku Xidhay In Ay Iska Fasaxdo Daniel James.

0
64

 

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay in ay qaab amaah ah ku fasaxdo xiddiga Daniel James xagaagan laakiin waa hadii ay la soo saxiixato xiddiga Kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho.

Kooxda Leeds United ayaa doonaysa saxiixa Daniel James kuwaas oo wadahadalo joogto ah kula jira kooxda Man United si ay u helaan saxiixa xiddiga.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa ku bilowday kulankii ay Man United guuldarada kala kulantay kooxda Crystal Palace laakiin waxa laga reebay shaxda kulankii Brighton ee ay Unuted 3/2 ku badisay Todobaadkan.

Sida ay wax yihiin Haatan James ayaa ah badalka Mason Greenwood ee shaxda Man United sidaas darteed ma fasaxayso xiddiga ilaa ay badalkiisa la soo saxiixato sida uu sheegay wargayska The Sun.

Man United ayaa la rumaysanyahay in ay diyaarinayso dalab 90 milyan ah oo ay ku doonayso xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho xagaagan.

Sidaas darteed United ayaa kaliya fasixi doonta xiddiga Daniel James kaliya hadii ay la soo saxiixato Jadon Sancho inta lagu jiro suuqa xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here