Man United Oo Guuleysatay Kadibna Gudubtay Wareegga 4-aad Ee Tartanka CARABAO CUP

0
51

 

Manchester United ayaa u soo gudubtay wareega afaraad ee Carabao Cup ka dib markii ay guul 3-0 ah ka gaareen kooxda heerka labaad ee Luton Town FC oo marti loo ahaa.

Gool rigoore ah uu dhaliyay Juan Mata dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta iyo goolal ay dhaliyeen Marcus Rashford iyo Mason Greenwood dhamaadkii ciyaarta ayay Manchester United kaga badisay kooxda Luton oo iska caabin difaacasho ah muujisay.

Man United waxay wareega afaraad la ciyaari doontaa midkii soo baxda kooxaha Brighton iyo Preston North End oo habeend danbe ciyaaraya.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa isbedel badan ku sameeyay shaxdiisa isagoo keyd dhigay inta badan xiddigihiisa waa weyn laakiin waxa uu soo safay shax adag oo uu kala hortagay kooxda heerka labaad ee Luton.

Saxiixa cusub Donny van de Beek ayaa mar kale ku soo bilowday shaxda Man United halka goolhaye Dean Henderson la siiyay fursadiisii ugu horeysay tan iyo markii uu ka soo laabtay amaahdii uu ku joogay Sheffield United.

Luton: Shea, Kioso, Lockyer, Bradley, Norrington-Davies, Clark, Tunnicliffe, Moncur, LuaLua, Hylton, Shinnie.

Subs: Cranie, Pearson, Cornick, Lee, Sluga, Mpanzu, Collins.

Man Utd: Henderson, Wan Bissaka, Bailly, Maguire, Williams, Fred, Matic, Mata, van de Beek, Lingard, Ighalo.

Subs: Rashford, Greenwood, Grant, Bruno Fernandes, Dalot, James, Mengi.

Manchester United ayaa dabcan gacanta sarre ka heysatay kooxda heerka labaad bilowgii ciyaarta iyadoo Lingard uu helay fursadii ugu horeysay ka hor inta uusan goolhaye Shea fursad gool loo fishay ka bixinin Juan Mata.

Nusa saac markii ay ciyaarta socotay Luton Town FC ayaa fursado heshay iyagoo ku dhawaaday inay ka nixiyaan Man United, halka wixii intaas ka danbeeyay ay Man United waqtiga isaga lumisay baasas aan meel u soconin.

RIGOORE: Daqiiqadii 43aad ayaa Manchester United loo dhigay rigoore markii George Moncur uu xerada ganaaxa qalad kula galay daafaca bidix ee Man United Brandon Williams.

GOOOL! Juan Mata ayaa u soo istaagay rigoorada isagoo gool  u sarifay islamarkaana dhinac qaldan u diray goolhaye James Shea. Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay goolkaas rigoorada ah.

Juan Mata ayaa kulankiisii 200aad ee uu u ciyaaro Man United wuxuu ugu dabaaldegay goolkiisii 49aad ee kooxda iyadoo Man United ay haatan dhalisay 19 ka mid ah 23 rigoore oo loo dhigay tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Bilowgii qeybta labaad ma jirin wax fursado ah oo ay labada kooxood abuureen ilaa daqiiqadii 63aad markaasoo Jesse Lingard uu u qaatay inuu gool dhaliyay laakiin waxaa xariiqda goosha ka soo bixiyay Sonny Bradley.

Daqiiqadii ku xigtay Man United ayaa fursad kale oo gool loo fishay heshay laakiin darbadii ka soo baxday Nemanja Matic waxaa badbaadiyay goolhaye Shea.

Man United ayaa heshay fursad kale oo gooldhalin ah daqiiqadii 73aad markii karoos uu soo dhigay Wan-Bissaka uu helay Van de Beaak kaasoo darbadiisa uu lugta ku bixiyay goolhaye Shea.

Daqiiqadii 81aad Luton ayaa heshay fursad ay ciyaarta ku barbareyn kartay ka dib karoos uu soo qaaday Shinnie oo uu madaxeeyay Lockyer laakiin waxaa si cajiib ah u badbaadiyay goolhaye Henderson ka hor inta uusan kubada mar kale helin Lockyer waxaana xariiqda goosha ka bixiyay Eric Bailly.

GOOOL! Man United ayaa ciyaarta hurdo u dirtay daqiiqadii 88aad markii ay dhaliyeen goolka labaad iyadoo ay iska kaashadeen labo xiddig oo bedel ku soo galay ciyaarta,. Mason Greenwood ayaa kubad u dhigay Marcus Rashford kaasoo isna shabaqa meel hoose ka geliyay.

GOOOL! Mason Greenwood oo caawiye ka ahaa goolkii Rashford ayaa dhaliyay goolkii seddexaad ee Man United daqiiqadii 3aad ee waqtii dheeriga ee ciyaarta.

Ciyaarta waxay ku soo dhamaatay 3-0 oo ay guusha ku raacday kooxda Manchester United oo u gudubtay wareega afaraad ee League Cup.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here