Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay La Soo Saxiixashada Daafac Cusub Kadib Khaladkii Victor Lindelof

0
61

Manchester United ayaan haatan qorsheyneynin inay lasoo saxiixato daafac dhexe oo cusub xagaagan inkastoo ay ku dhibtoodeen daafaca kulankoodii furitaanka xilli ciyaareedka Premier League ee Crystal Palace.

Red Devils ayaa qaab ciyaareed liita soo bandhigtay sabtidii kulankii ay guuldarada 3/1 ah kala kulmeen Crystal Palace Kulan Victor Lindelof soo bandhigay qaab ciyaareed liita.

Qaab ciyaareedka xun ee daafaca United ayaa keentay in Ole Gunnar Solskjaer laga dalbado in uu la soo saxiixdo daafac cusub iyada oo uu Halyeeyga Gary Neville xitaa sheegay in ayna kooxdu u tartami karin hanashada horyaalka hadii ayna la soo saxiixan daafac cusub.

Ole Gunnar Solskjaer in uu eeda dusha ka saaro Lindelof ayaa dareensan in uu kooxda ku haysto daafac ku filan xilli ciyaareedkan.

Solskjaer ayaa aaminsan in xiddigaha Eric Bailly, Timothy Fosu-Mensah, Axel Tuanzebe iyo Phil Jones ku filanyihiin inta lagu jiro xilli ciyaareedkan.

Sidaas darteed wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ayna Man United wax daafac cusub ah la soo saxiixan doonin inta lagu jiro suuqa xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here