Man United Oo Dib U Soo Cusboonaysiinaysa Xiisaha Ay U Qabto Xiddig Laga Nacay Camp Nou.

0
71

 

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso saxiixa daafaca kooxda Barcelona ee Samuel Umtiti ka hor inta uuna suuqa kala iibsigu xidhmin todobaadka dambe.

Wargayska France Football ayaa sheegaya in ay Man United isku day dambe ku doonayso saxiixa daafaca reer France ee Samuel Umtiti.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Barcelona xilli ay kooxdu doonayso in ay iska dirto xiddiga si ay hoos ugu dhigto mushaharka kooxda.

Daafaca Samuel Umtiti ayaa xiiso ka helayay kooxda Man United ka hor intii ayna Red Devils la soo saxiixan daafaca Samuel Umtiti.

Man United ayaa doonaysa in ay la soo saxiixato daafac dhexe ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaagu kadib markii ay kooxdu ku dhibaatootay dhanka daafaca kulankii ugu horeeyay ee premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here