Man United Oo Dalabkii Ugu Dambeeyay Ka Gudbinaysa Jadon Sancho

0
85

 

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay dalabkeedii ugu dambeeyay ka gudbiso xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xilli United lala xidhiidhinayo Xiddiga reer England tan ilaa bilowgii sanadkan Dortmund ayaa ku adkaystay in uuna xiddigu lacag yar kaga tagi doonin kooxda.

Kooxda Bundesliga ka ciyaarta ayaa United ku war galisay in ay 20 jirka ku qiimayso lacag dhan 120 milyan oo euro wax ka yarna ayna lu iibin doonin.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay Man United haatan dalabkii ugu dambeeyay miiska u saarayso kooxda Dortmund si ay u hesho xiddiga.

Kooxda United ayaa diyaar u ah in ay miiska saarto lacag dhan 90 milyan oo euro si ay u hesho xiddiga reer England iyaga oo halka hore ka bixiso lacag dhan 75 milyan oo euro halka ay 15 milyan guno ka dhigi doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here