Man United Oo Dalab Kama Dambays Ah Qorshaynaysa In Ay Ka Gudbiso, Jadon Sancho.

0
54

 

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso dalab goor dambe oo 90 milyan oo euro ah oo ay ku dooneyso garabka kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho.

Baacsiga Red Devils ee 20 jirkaan ayaa ahaa mid joogta ah inta lagu gudajiray suuqa kala iibsiga xagaaga, laakiin weli ma jiraan wax horumar ah oo laga sameeyay wadahadalada u socda labada kooxood xilli la galay todobaadkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Dortmund ayaa diidan in ay hoos u dhigto 120-ka milyan ee ay ku qiimayso Sancho xilli uu xiddigu dhawr jeer sheegay in uuna kooxdiisa ku qasbayn in ay iibiso.

United ayaa wali Sancho u aragta bartilmaameedka 1-aad laakiin waxa ay diidantahay in ay bixiso lacagta 120-ka milyan ah xilli lagu jiro wakhti adag oo dhan dhaqaalaha ah.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in Man United dalab cusub kula laaban doonto kaas oo dhan 65 milyan oo ay halka hore ka bixin doonto iyo 25 milyan oo euro oo Guno ah.

United ayaa ku rajo weyn in ay Dortmund aqbali doonto dalabkaas marka loo eego in ay tahay maalimihii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here