Man United Oo Bruno Fernandes Waydiisan Doonta In Uu Ka Caawiyo Saxiixa Xiddig Doonaya In Uu Ku Biiro Arsenal.

0
15

Bruno Fernandes ayaa laga yaabaa inuu ka caawiyo Manchester United Baacsiga ay ugu jirto daafac bidix oo cusub laakiin waa inay si dhaqso ugu dhaqaaqdo maadama ay Arsenal haatanba isku dayayso in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga.

Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya inuu helo daafac la tartami kara Luke Shaw iyo Brandon Williams xilli ciyaareedka cusub.

Red Devils ayaa ayaa lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga daafaca Bidix ee kooxda Real Madrid ee Sergio Reguilon, kaasoo xilli ciyaareedkii hore amaah ku qaatay kooxda ku guulaystay Europa League ee Sevilla.

Wargayska O Jogo ayaa sidoo kale sheegaya in ay Man United isha ku hayso saxiixa xiddiga Sporting Libson ee Nuno Mendes.

Kooxda Arsenal ayaa haatan ku horaysa saxiixa xiddiga iyaga oo wadahadalo kula jira wakiilka xiddiga laakiin Man United ayaa doonaysa in ay Bruno Fernandes u adeegsato in ay Arsenal ku garaacdo saxiixa xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here