Man United Oo 7 Sano Ka Hor Iska Diiday Saxiixa Edinson Cavani & Sababta Oo La Ogaaday.

0
68

 

David Moyes ayaa iska diiday fursad uu kula soo saxiixan lahaa Saxiixa cusub ee Man United Edinson Cavani markii uu tababaraha u ahaa Red Devils sanadkii 2013.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay Man United doonaysay saxiixa xiddiga reer Uruguay si ay ugu xoojiyaan weerarka kadib markii uu Moyes yimid Man United isaga oo shaqada ka badalay Sir Alex Ferguson.

Si kasta ha ahaatee heshiiska ayaan dhicin sabab la xidhiidha in uuna David Moyes la dhicin qaab ciyaareedka xiddiga kadib markii uu 3 jeer oo kala duwan daawaday kulamo uu ciyaarayo.

Cavani ayaa ugu dambayn ku biiray kooxda PSG isaga oo halkaas joogay muddo dheer una dhaliyay 200 oo gool 301 kulan oo uu ciyaaray ka hor intii uuna xor uga tagin.

7 Sano kadib Cavani ayaa Man United ku soo biiray suuqii xagaagan maalintii ugu dambaysay isaga oo ugu soo biiray heshiis 2 sano ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here