Man United Laga So Diiday Dalab Aad U Sareeya Ay Ka Gudbisay Xidig katirsan Kooxda Barcelona

0
59

 

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay diiday dalab 150 milyan ah ka diiday Kooxda Man United kaa soo ay ku doonaysay saxiixa xiddiga da’yarka ah ee Ansu Fati.

Xiddiga 17 jirka ah ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 8 gool 33 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Fati ayaa dhawaan qandaraas cusub oo waqti dheer ah la saxiixatay kooxda Ronald Koeman, iyadoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 400 oo milyan.

Sida laga soo xigtay Marca, Barca ayaa dhawaan heshay dalab ah 150 milyan oo euro kaas oo uga yimid kooxda Man United kuwaas oo doonayay xiddiga da’yarka ah.

Kooxda Man United ayaa si weyn loola xidhiidhinayay Xiddiga Ansu Fati bilowgii suuqii kala iibsiga xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here